Imaaraadka Carabta oo gabi ahaanba joojiyay howlihii Tababarka Ciidamada Somalia

0

Imaaraadka Carabta ayaa go’aan ku gaaray inay joojiyaan howlgakii tababarka ee dhismaha Ciidamada Soomaaliya, iyagoo kaga jawaabaya dhacdadii 8-dii bishan lagu xayiray diyaarad ay leeyihiin oo lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, lagana wareegay lacag mallaayiin doollar gaarayay.

Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay howlaha tababarka xerooyinka Imaaraadka Carabta ku leeyihiin Soomaaliya, halkaasoo horay kumanaan askar lagu tababaray.

Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay xanibaadii lagu sameeyay diyaaradooda iyo qaabkii lagula dhaqmay todobaadkii hore, waxaana tallaabadan ay noqoneysa mid sii xumeyneysa xiriirka labada dal oo in dhawaalaba mugdi sii galayay.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen saddex xero tababar iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.

Heshiis dhex maray dowladdii hore iyo Imaaraadka Carabta sanadkii 2014 ayaa qeyb ka ahaa tababarka iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya, iyadoo Tababarayaal ka socda Imaaraadka Carabta ay casharo tababar siiyeen Ciidamo Soomaali ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay la wareegtay mas’uuliyadii Ciidamadii ay gacanta ku hayeen Imaaraadka Carabta, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay mushaarkooda ay bixin doonto dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.